Shabaab oo weeraray Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Jalalaqsi

0

Shabaab Weerar

Dagaalyahanada Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus waxa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamo ka tirsan Jabhadda Shabaab ee ka hawlgasha Gobolka Hiiraan, ayaa dagaal culus waxa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee duleedka Degmada Jalalaqsi, kadib markii dhawr jiho ay ka weerareen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Jalalaqsi, ayaa sheegay Ciidamada Jabuuti inay si adag isaga caabiyen weerarkaasi kaga yimid Shabaab.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray Shabaab & Ciidamada Jabuuti, ayaa haddana Saraakiisha waxa ay muujiyeen dagaalkii xalay inuu ahaa mid culus oo waayahan Degmada Jalalaqsi aanan ka dhicin.

Shabaab dhankooda waxa ay sheegteen dhawr jiho inay ka weerareen Xerada Ciidamada Jabuuti ee Degmada Jalalaqsi, halkaasina Khasaare ay ku gaarsiiyen Ciidanka.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor Ciidamada Jabuuti weerar jidgal ah u dhigeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.