Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federalka Somaliya.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay Siyaasiyiin xanaaqsan inay jiraan, kuwaasi oo dowladda Federalka Somaliya ku dhaliila inaysan waxba qaban, iyaga oo aanan arkeyn waxqabadka.
Wuxuu sheegay sidoo kale Siyaasiyiinta inay dhaliilaan Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku dhaliilaan waxqabad la’aan.
“Mudane Gudoomiye waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkeyn, siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed
Hadalkaan ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Xaflad xalay ka dhacday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Siyaasiyiinta Mucaaradka Dowladda ayaa ifiya dhaliilaha ay leedahay Xukuumadda & Gobolka Banaadir, si loo saxo qaladaadka, balse taasi bedelkeeda Masuuliyiinta Dowladda ayaa siyaasiyiinta ku tilmaama kuwa xanaaqsan.