Muxuu Salka Ku hayaa Dagaal Daacish Iyo Al shabaab Ku dhexmaraya Gobolka Bari Ee Maamulka Puntland ?

0

D

Ururka Al Shabaab iyo Daacish ayaa waxa uu dagaal culus ku dhexmaray magaalada Qandala ee Gobolka Bari gaar ahaan Dharaar iyo Miraale, halkaas oo labada dhinacba uu ka soo gaaray khasaare xoogan.

Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yare) oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaannadaasi uu jab xooggan ka soo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen Malleeshiyaad badan.

Daacish oo laheyd gacan ku haynta degaannada lagu dagaallamay ayaa la sheegayaa in ay haatan la wareegeen Kooxda Al Shabaab, waloow ay weli is hor fadhiyaan Labada malleeshiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Daacish qaadashada Hubka ka joojisay dadka ku nool Qandala iyo degaannada hoos taga, iyagoo ka baqdin qaba in ay ku soo dhuuntaan Malleeshiyaadka taabacsan Al Shabaab.

Dagaalka u dhexeeya kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysta qeyba ka mid ah Soomaaliya ayaa in dhawaalaba ka soconayay deegaannada ay ku sugan yihiin, iyagoo iska dilay horjoogayaal iyo Malleeshiyaad badan.

Waxanay kooxahani marar badan ku dagaallamaan meelaha ay ku sugan yihiin, si uu mid waliba ugu madax bannaanaado dhaca iyo cadaadiska ay ku hayaan shacabka iyo qalqal gelinta Bulshada.