DEG DEG: Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay duleedka Degmada Baardheere

0

Breaking News

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Qarax Ismiidaamin ah ayaa wuxuu ka dhacay duleedka Degmadaasi.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan ,ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la doonaayay in lagu qarxiyo gudaha Magaalada Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay ka hortageen qaraxaasi, islamarkaana uu ku dhintay ruuxii waday gaariga oo ay ka  buuxeen Waxyaabaha qarxa, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Ciidamada.

Taliyaha ammaanka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Xuseen Muxumed Xasan, ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan kadibna Ciidanka ay uga hortageen duleedka Baardheere.

“Gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan ayuu ahaa xogtiisa ayaan helnay kadibna waan ka hortagnay oo banaanka Magaalada ayaan uga hortagnay anaga & Ciidamada Amisom, sidaasi ayaana ku fashilinay gaari ruuxii waday kaliya ayaa isku qarxiyay.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ku weerareen Xero Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Baardheere, halkaasina khasaare uu ka dhashay.