Shabaab oo tiro dad ku xir xiray Shabellaha hoose

0

Shabaab Weerar

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose, Shabaab ayaa halkaasi waxa ay ku xireen dad ay uga shakiyeen inay xiriir dhaw la leeyihiin dowladda Federalka Somaliya.

Deegaanka Mubaarak ayaa ka mid ah deegaanada hawlgalada qorsheysan ay ka fuliyaan Ciidamada Danab & kuwa Mareykanka oo iskaashanaya oo halkaasi dhawr mar hawlgalo Shabaab loogu daatay ka fuliyay.

Dad deegaanka ah oo diiday magacooda & in la wareysto sababo dhanka ammaanka ayaa sheegay ugu yaraan 15 ruux oo dhalinyaro u badan inay xireen Shabaab, kadib markii ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Ciidamada Dowladda.

Dadkaan ayaa lagu xiray deegaanka Mubaarak, qaarkoodna waxaa laga soo kaxeeyay deegaanka Daanyeerey oo u dhaw isla deegaanka Mubaarak.

Dhalinyarada ku nool deeganadaasi ayaa waxaa soo wajahday cabsi la xiriirta in Shabaab ay xiraan, waxaana la sheegayaa ehelada dadka la xiray inay aad uga walaacsan yihiin halka uu ku dambeyn doono xariga loo gaystay carruurtooda.

Al Shabaab ayaa dhawr mar fagaarooyin ku yaalla deeganada ay gacanta ku hayaan waxa ay ku dilaan dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Dowladda Federalka Somaliya & reer Galbeedka.