Taliyaha cusub ee Amisom oo kulankii ugu horeeyay dagaalka Shabaab looga hadlaayo la qaatay Saraakiisha

0

1

Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn Taliyaha cusub ee Ciidamada Amisom ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha qaybaha kala duwan ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxa uu kala hadlay sidii loogu dhaqaaqi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay sida wadajirka ah ugu dhawaaqeen Dowladda Federalka iyo Amisom dhammaadkii sanadkii tagay 2018.

Tigabu Yilma ayaa sidoo kale fadhiga gaarka ah ka sharaxay qorsheynta hawlgalkooda ka hor inta aan dhammaan sanadkaan 2019-ka.

Bishii 1-aad ee sanadkaan cusub 2019 ayaa idlaatay, mana jiro hawlgal ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Amisom.

Madaxa guud ee AMISOM, ahna Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira oo maalmihii lasoo dhaafay la kulmayay saraakiisha hogaanka Amisom waxa uu kala hadlaayay dhabaha ay u marayaan hawlgalkooda.

Amisom ayaa Jeneral Tigabu u aragta nin dhaqaajin kara qorshahooda ah in gacanta Al-Shabaab ka saaraan meelaha ay maamulaan, waana tan keentay in hogaanka sare ee Midowga Afrika in ay magacaabaan ninkaan oo leh qibrad Ciidan muddo 34 sano ah.