Mareykanka oo sheegtay duqeyn Sh/hoose ka dhacday in lagu dilay 13 Shabaab

0

Large

Mareykankan ayaa sanadkan cusub duqeyntii 10-aad ka gaystay Somaliya, isagoo weerarkii u danbeeyay sheegtay inuu ku dilay 13 Shabaab ah.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegtay in Jimcihii ina dhaaftay ay duqeyn ka geysteen deegaanka Gendershe oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Duqeyntan cusub ayey sheegeen inay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab, sida lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Goobta la beegsaday, ayuu Mareykanka ku sheegay inay aheyd Saldhig ay Al Shabaab ku soo diyaarin jirtay weerarada ay qaado ee ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Mareykanka ma sheegin wax khasaare ah oo shacabka ka soo gaaray weerarka dhinaca Cirka ah ee loogu gaystay Al-Shabaab Deegaanka Gendershe ayaa qiyaastii 45KM u jirta magaalada Muqdisho, dhanka wadada xeebta ah, waxay hoostagtaa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waa deegaan dhul xeebeed taariikh leh, marka loo eego magaca Gendershe waxaa uu ka soo jeedaa Iiraan.

Sida muuqata dowladda Mareykanka ayaa laba jibaartay weerarada ay la beegsanayso Xarumaha ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab ee Koonfurta & Bartamaha Somaliya.