Qarax Aad uweyn Oo Muqdisho Ka Dhacay

0

Breaking News

Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay degmada Xamar Weyne, gaar ahaan nawaaxiga Mogadishu Mall.

Qiic iyo uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareeray, waxaana qarxa uu ahaa mid xooggiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho

Gaadiidka qarxay ayaa la dhigay hareeraha wadada hormarta dhismaha Mogadishu Mall oo ku dhow Xarunta dowladda Hoose.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu khasaare kala duwan sababay, waxaana gaariga uu ku hor qarxay afaafka hore goobo ganacsi.

Dhismaha Mogadishu Mall ayaa waxaa ka furan ganacsiyo kala duwan, waana goob aad u mashquul ah ah oo ay ku yaallaan maqaayado iyo meelo dharka lagu iibiyo.