Muna Cabdulle oo ah Xaaska Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya C/qaadir Muumin ayaa dacwad ka gudbisay Sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaanno MI6.
Haweeenaydan ayaa sheegtay in Sirdoonka Ingiriiska ay qabteen oo ay jirdileen mar ay ka soo laabatay Soomaaliya iyada oo la kulantay Odaygeeda.
C/Qaadir Muumin ayaa haysta dhalashada dalka Sweden, waxaana uu Soomaaliya ka aas aasay Ururka Daacish qaybtiisa Soomaaliya.
Waxaa ay Muna ku doodday in sanadkii 2013-kii la qabtay, la jirdilay sidoo kalena loo adeegsaday Koronto lana bahdilay.
Haddii ay ku guuleysto dacwadda ka dhanka ah Sirdoonka Ingiriiska ee MI6, waxaa ay Magdhaw ahaan u helaysaa lacag dhan £1Milyan oo Bound-ka Ingiriiska ah.
Muna, waxaa ay ku nooshahay degaanka Berkshire ee dalka Ingiriiska Odaygeeda C/Qaadir Muumin ayaa laga mamnuucay in uu galo Ingiriiska kaddib markii la xaqiijiyay in uu xiriir lalahaa Nin u dhashay Ingiriiska oo lagu magacaabo Mohammed Emwazi, ama Jihadi John oo Daacish u qaabilsan qoorgooynta.
Sheekh C/qaadir Muumin ayaa khudbado ka jeedin jiray Masaajidka Greenwich ee dalka Ingiriiska halkaas oo uu ka duufsaday Mohammed Emwazi iyo Michael Adebolajo.
Sheekh Muumin, ayaa waxaa uu sanadkii 2010-kii ku soo laabtay Soomaaliya, waxaa uu xilligaas gubay Baasaboorkiisa Ingiriiska ahaa, waxaa uu ku biiray Alshabaab, markii dambana waxaa uu Gobolka Bari kaga dhawaaqay garabka Daacish ee Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa £20Milyan oo Poundka dalkaas ah horay u siisay 20 qof oo soo gudbiyay dacwado noocan ahaa oo loo heystay Sirdoonka dalkaas.