Mahad Cawad “Garsoor madax banaan ma jiro, ilaa laga dhiso Golaha Adeegga Garsoorka”

0

Cawad Mahad 696x522

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in aysan jirin wax garsoor ah oo madax banaan, inta laga dhisayo golaha adeega garsoorka dalka.

Golaha Adeegga Garsoorka dalka ayuu sheegay iney xubno ka yihiin xubno ka tirsan golaha Qareenada Soomaaliyeed, sida uu dhigayo Dastuurka, balse aaney jirin gole Qareeno oo ku sameysan xeer iyo sharci la isla qaatay.

Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayuu ka dalbaday inay xeer maamul soo saarto, kaasoo lagu habeynayo Qareenada Qaranka, si loo dardar geliyo Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimaada Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Magaalo walba intii joogtay waxbey iska sameysatay, marka la yiraahdo laba xubnood halaga keeno hada xageebaa laga keenayaa, ileen hay’ad baa loo dirayaaye, Masaa diidaya in xukuumadu intey xeer u sameyso ay isu soo dooranayaan oo ay isku yimaadaan, hay’ad rasmi ah oo la ictiraafsanyahayna yeeshaan” ayuu yiri Cawad.

Hadalkan ayuu ka sheegay  Mahad Cawad  daah-furka Shir sanadeedka garsoorka dalka oo markii ugu horreysay la qabtay burburkii kadib, kaasoo la filayo inuu maalinimada beri ah soo xiro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaare Kuxigeenka dalka, Wasiirka Cadaalada, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka, kan gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.