Wararka ka imaanaya duleedka Degmada Afgooye ayaa sheegaya in xaalad cabsi ay soo wajahday gaadiidka Xamuulka ee istcimaala Gobalkaasi.
Sababta ayaa waxaa lagu sheegay, kadib markii Al-Shabaab ay kordhiyeen gaadiidka ay ku gubayaan Deegaanka Doonka ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Maamulka gobolka shabeelada hoose ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo loogu hortagayo gaadiidka ay Al-Shabaab ku gubaan Duleedka Degmada Afgooye ee Gobalkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo wareysi siiyay KNN ayaa sheegay in deegaanka lagu Magacabo doonka ay Al-Shabaab ku gubeen gaadiid badan labadii todobaad ee ugu dambeeyay.
Waxaa uuna sheegay in maamulka gobalka shabeelaha hoose uu wado dadaalo wax loogu qabanayo arimahaasi.