Jamhuuriyada Dimoqoraadiga Congo Inkabadan 500 oo ruux ayaa u geeriyootay cudurka Ebola halka 271 ruux oo kalana ladaaweeyay.
Sida ay sheegayso wasaarada caafimaadka Congo cudurka Ebola ayaa kusoo laba kacleeyay qaybo badan oo kamid ah dalkaas taas oo sabab u noqotay dhimashada boqolaal ruux.
Wasiirka caafimaadka Congo ayaa sheegaya in waqtigii ugu horeesay in ay Talaal ka hortag ah ay u sameeyeen 76,425 ruux taas oo sabab u noqotay in kumanaan ruux laga badbaadiyo in ay cudurkan u geeriyoodaan.
Cudurkan ayaa bishii August ka dilaacay waqooyiga gobolka Kiifuu kaas oo xuduud laleh dalalka Uganda iyo Rwanda.
Wadamada Rwanda, Uganda iyo Koonfurta Sudan ayaa dhamaantood ku jira feejignaan ku aadan in cudurkani uu saamayn ku yeesho.
Ebola ayaa ah cudur halis ah oo si dhaqsi ahna ku fidi karo kaas oo sababay dhimashada kumanaan ruux.