Mareykanka oo sheegay inay ka hortageen qatar Shabaab abaabulayeen

0

Duqeyn

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar Habeen hore ka dhacay deegaanka Koban ee Gobolka Jubbada hoose

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaasi loo geystay Ciidamo ka tirsan Al-shabab lagana hortagay qorshe weerar ah oo ay damacsanaayeen Al-Shabaab.

Mareykanku ma sheegin tirada weerarkaasi ee waxyeellada ka gaartay Al-Shabaab sidii looga bartay, waxaase ay sheegeen in aysan jirin khasaare dad rayid ah soo gaaray.

Qaraalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan waddo kasta oo habboon oo lagu dhimi karo qatarta Al-shabab.

Saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay duqeyntaasi Shabaab loo gaystay ayaa waxa ay sheegeen in lagu dilay sagaal xubnood oo Shabaab ka tirsanaa.

Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay kordhisay duqeymaha ay la beegsanayso xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Advertisement