Wargeysyada Aduunka Oo Kashifay Awooda Uu Farmaajo Siiyay Qabiilkiisa.

0

Wararkii ugu dambeeyay ee AFRICA.

Wargeyska lagu magacaabo “The Africa Report” ee magaalada LONDON ayaa lagu soo daabacay in marka laga reebo Ra’iisul wasaare Xassan Cali KHEYRE in aanay jirin ruux kale oo ka soo jeeda beelaha HAWIYE oo awood ku dhex leh nidaamka uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska ayaa sheegay in awoodda iyo xilalka ugu waa weyn ay hayaan xubno ka soo jeeda beesha Daarood nidaamka madaxda ka yahay Farmaajo sida wasiirada Jamaal Xassan, Cabdi Xoosh, Axmed Ciise CAWAD, C/llaahi Bidhaan, Oomaar iyo kuwo kale.

Wargeyska oo ka sii war bixinaya ayaa shaaciyay in beesha Mareexaan ee awoodda  leh uu magacaabay Farmaajo labadii sanadood ee la soo dhaafay hey’ad kasta taas oo dhalisay in ay shaqeyn waayaan hey’adihii dowladda.

Sidoo kale baaritaakan uu sameeyay wargeyskan ayaa lagu soo bandhigay caddeymo xubnaha ay yihiin kooxda fadhigeedu yahay halka loo yaqaano Villa Somalia iyo DIBLOMAASIYIINTA, safiirada ee muuqda fadhiya dalalka dibedda kuwa ugu saameynta badan ay yihiin kuwo gacmaha laga soo qabqabtay oo aan aqoon laheyn kana soo jeeda beesha Mareexaan ee uu #FARMAAJO u dirsaday in ay Bulshada caalamka uga warbixiyaan.

Xubnahan ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa loo xilsaaray in ay been ka fidiyaan beelaha HAWIYE.

Qoraalkan ku soo baxay The Africa Report ayaa warbixintan ku soo gabagabeeyay tusaale uu u soo qaatay in Xoghayaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada NAIROBI ee dalka Kenya oo lagu magacaabo XABIIB uu ka awood badan yahay Safiirka Soomaaliya Tarsan oo isaga laftiisa nidaamka madaxda ka yahay Farmaajo uu uga shakisan yahay xiriir qarsoodi ah in uu kala dhaxeeyo hoggaamiyihiisii hore madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

XIGASHO:- The Africa Report