Ciidamadii Ugu Badnaa Abid Oo loo diyariyay Qorshaha Sugidda Amniga Muqdisho

0

Askar Boolis4

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Tababar u soo xiray illaa 1,400 askari Boolis ah, kaddib munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiye.

Askartan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa ka mid ah 3,000 oo askari loogu tala galay qorshaha sugida amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoo askartan oo ah dhalinyaro ay soo bandhigeen dhoolatus iyo gaardis.

Ciidamadan ayaa laga soo xulay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana muddo afar bilood la barayay sharciyadda Booliska iyo la dhaqanka Bulshada, waxaana lagu wadaa in la geeyo degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska ayaa kula dardaarmay Ciidamada inay waajibaadkooda u gutaan si daacad ah, kana qeyb qaataan howlaha sugida amniga Caasimadda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ciidamo fara badan u diyaarisay sugida amniga Muqdisho, iyadoo aan weli xal loo helin wax ka qabashada amni darada ka jirta Caasimadda, xilli ay dhacayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.