Mahad Salaad Oo Hadalka Wasiir Beyle Ku Tilmaamay Mid Baahan

0

Mahad Salaad

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay hadal warbaahinta uu siiyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale beyle.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu su’aalo kaga keenay hadalkii wasiir Beyle uu kaga hadlayay shirkadaha waaweyn ee aan bixin canshuurta dalka, waxaana qoraalkiisa u qornaa sidan:-

Wasiir Beyle waxaan waydiin lahaa canshuurta uu sheegayo soo sharci lagu qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?!

Sida ku cad Xeerka Qoondada Miisaaniyada 2019 Golaha Shacabku ansixiyay qodobkiisa 3.9 Wasaarada Maaliyada waxaa lagu faray in ay soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Canshuuraha iyo Tacriifooyinka ugu danbeyn 15ka Maarso 2019.

Sidoo kale Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka 3dii February 2019 waraaq ayuu u diray Wasiirka Maaliyada lagu farayo in uu kusoo gudbiyo Hindise Sharciyeedkaas xiliga Golaha Shacabku u qabtay oo ah 15ka Maarso 2019.

Hada waxaa iswaydiin mudan Wasiirka isaga ayaaba laga sugayaa sharcigii canshuuraha iyo tacriifooyinka lagu qaadi lahaa ee dadka uu u goodinayo soo in sharci wax looga qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?!

Mudane Wasiir ilaahey ka baq oo umaddaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yareey. Kolley kamaba dhaafayside!