Dowladda Kenya Oo Ku Amartay Danjiraha Soomaaliya U fadhiya Dalkaasi In Uu Isaga Baxo

0

Calanka 750x430

War qoraal ah oo ka soobaxay dowladda Kenya ayaa  lagu faray Safiirka Keenya u jooga magaalada Muqdisho si deg deg ah in uu uga soobaxo dalka Soomaaliya,iyada oo sidookalana dowladda Kenya ay amartay Safiirka Soomaaliya u jooga Keenya in uu dhaqso kaga baxo dalkaas.

Xiisaddaan diblumaasiyadeed ayaa ka dhalatay sida dowlada Kenya ay sheegtay in Shidaalka ay suuq geyneyso Soomaaliya ay ku jiraan xirmooyin kamid ah Shidaal ay leedahay dowlada Kenya.

Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku aadan arrintaan.