Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay In Somaliland Laga Qeyb Galinayo Qorshaha Horumarimta Qaranka
Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo ah Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan qorshaha maamulka Somaliland loogu qeyb galinayo Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka.
Waxa uu sheegay Cabdulqaadir Maxmaed Aadan in qorshaha qaranka uu noqonayo baahiyaha gaarka iyo ahmiyadaha ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii Somaliland loogu soo dari lahaa Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Xildhibaano ka tirsan laba Gole ee Baarlamaanka.
Sidoo kale Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa tilmaamay in laba Gole ee Baarlamaanka ay ku jiraa Xildhibaano ka soo jeeda Puntland,kuwaasi oo uu xusay in ay doonayaan in iyagana lagu soo daro Qorshaha Horumarimta Qaranka.
Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa Shalay Magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Sagaalaad wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga Jubbaland.