Qoraalka oo ka soo baxay Xafiiska Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowlad GoboleedkaHir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in lagu amrayo dhamaan Mareeyayeyaasha Garoomada Diyaaradaha Hir-Shabeelle in dhaqaalaha kasoo baxa Diyaaradaha kasoo dega Garoomada maamulkaas in si KMG ah loogu dayac tirayo Garoomada Diyaaradaha.
Warqadaan oo ku taariikheysan 10/2/2019 ayaa waxaa la ogeeysiisay dhamaan maareeyayaasha Garoomada Diyaarada Hir-Shabeelle,Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Waxaa sidookale dhammaan Maareeyayaasha Garoomada Diyaaradaha deegaanada Maamulkaas lagu amray in aan marnaba la aqbaleyn innlagu tagri falo dhaqaalaha Shacabka loogu adeegi lahaa.