Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay uga hortageen weerar kaga yimid dhinaca Ururka Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer, isla markaana ay fashiliyeen weeraradaasi.
Sidoo kale dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in weeraradaasi Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin ee ku yaalla Buuraha Galgala.
Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ku qaada Ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi.