Yaa ka dambeeyay dilka Xeer ilaaliye ku xigeenka Qaranka?

0

51982127 1957722141023287 412468975272722432 N 696x702

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka  xeer ilaaliye ku xigeenkii Qaranka Maxamed Mursal  oo maanta lagu dilay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Shabaab ay dileen xeer ilaaliye ku xigeenka ka dibna ay baxsadeen.

Maxamed Mursal ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, waxaana uu wax kusoo bartay dalka Suudaan, Sanadkii ugu dambeeyay ayuu ka shaqeynaayay Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto,Mas’uulyiin ka tirsan Dowladda,Askar iyo Shacab intabada,waxaana mas’uuliyadooda sheegta dilalkaas Al-Shabaab