Al shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baardheere.

0

Madaafiic

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay madaafiic ku garaaceen saldhigyo ay ciidamada itoobiya ku leeyihiin degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Saldhigyada madaafiicda lagu weeraray ayaa waxaa ay u dhow yihiin garoonka diyaaradaha degmada Baardheere.

Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku dhaceen saldhigyada ciidamada itoobiya ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Degmada Baardheere.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda lagu weeraray Ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay madaafiicda ku tuuren saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.