Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in odayaal ay ku xireen Koofurta Gobolka Mudug ee Dhanka Maamulka Galmudug.
Odayaasha ayaa waxaa lagu xiray deegaano hoostaga Warshubo iyo tuulooyinka kale.
Tirada odayaasha Al-Shabaab ay Xireen ayaa waxaa ay gaarayaan 18 Oday oo ah kuwa deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug si aad ah loogu yaqaano , sida dad goob-joogayaal ah ay
KNN u sheegeen.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Sababta loo xiray Odayaasha ay tahay kadib markii ay ka biyo diideen Amar uga yimid Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.
Amarkaasi ayaa ahaa in Odayaasha Deegaanka ay keenaan Dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo ah kuwa degaanka,iyadoo Odayaasha la xiray ay ka soo horjeesteen Amarka Al-shabaab.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay odayaal ku xireen deegaano ay ka mid yihiin Xiindheere iyo Ceel garaas oo dhamaantooda hoostaga degmada ceel buur ee Gobalka Galgaduud.