Khilaafka ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya oo gaaray meeshii ugu xumaaa.

0

3

Waxaa sii xumaanaya marba marka ka dambeeya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, arrintana ay tusaale u tahay hadalka ka soo yeeray dowladda Kenya oo ay ku sheegtay inaysan ku qancin jawaabta dowladda soomaaliya ay ka bixisay eedeentii loo jeediyay xukuumadda soomaaliya ayna cunuqabatayn saari doonto soomaaliya sida ay hadalka kenyaanku u dhigeen.
Ambassador C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo aanhordhignay arintan iyo sida uu u arko ayaa waxaa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Kenya inay tahay mid ay ka dambeeyaan hay’addo iyo dowladdo kale, kuwaasi oo doonaya inay iska horkeenaan soomaaliya iyo Kenya si uu xiriirkooda u sii xumaado.
Intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa ambassador diinaari in kenyaanku ay doonayaan in soomaaliya ay cadaadis joogta ah ku saaraan sidii ay ugu tanaasulilahayd baddeena oo ay ku soo gardarootay.