Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa kaddib kulankii ay guusha muhiimka ah ka gaadheen kooxda Bate Borisov ka hadlay nooca bandhigii uu kulankaas ka sameeyay xiddiga mudooyinkii ugu dambeeyay la hilmaamay ee Mesut Ozil.
Arsenal ayaa kulankii xalay soo gashay iyaga oo u baahan inay dhammaystiraan kasoo kabashada guuldarradii lama filaanka ahayd ee lugtii hore kasoo gaadhay Bate.
Si cajiib ah ayay uga jawaabeen iyaga oo 3-0 ku khaarijiyay Bate Borisov kaddib goolkii furitaanka ee uu sida qaldan iskaga dhaliyay Zakhar Volkov ayay labada gool ee kale raacsadeen xiddigaha daafaca ee Shkodran Mustafi iyo Sokratis Papastathopoulos.
Haddaba, Tababare Emery ayaa sheegay in Ozil uu kulankii xalay muujiyay waxa uu doonayo isla markaana ay kulamada qaar u xulan doonaan haddii uu ku jiro xaaladii uu ku jirat toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Dhinaca kale Emery ayaa diiday inuu si buuxda u damaanad qaado in Ozil uu joogto ka noqonayo shaxda maadaama oo ay haystaan ciyaartoy kale oo inay caawiyaan u diyaar ah.
Tababaraha ree Spain ayaa yidhi “Maanta waxa uu muujiyay waxa uu doonayo, Haddii loo heli karo sidda labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, Waanu ciyaarsiinaynaa kulamo badan”
“Laga yaabaa wakhtiyada qaar waxaan uga baahanahay isaga 11-ka xiddig ee kusoo bilaabanaya wakhtiyada qaarna kursiga keydka sababtoo ah waxaanu haysanaa ciyaartoy badan oo sidoo kale na caawinaya”
“Dareenkiisa xamaasadeed ee maantu waxa uu ahaa mid fiican iyo tayadiisa iyo baaxadiisa oo lagu daray ciyaartoyda qaar waa mid wanaagsan, Waxaan filayaa inaan u baahanahay ciyaartoy kasta maantana ku ciyaarista Mesut waxay ahayd mid muhiim ah oo wanaagsan”