RASMI: FIFA Oo Xukun Culus Oo Ganaax Laba Xili Suuq Ah Gadhka U Galisay Chelsea, Qodobada Ay Jabiyeen Iyo Sababtii Keentay.

0

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa xukun culus oo ganaax ah ku soo rogay kooxda Chelsea waxaana laga ganaaxay in ay muddo laba xili suuq ah wax ciyaartoy ah la soo saxiixan karaan. Chelsea ayaa lagu helay in ay jabisay shariciyada FIFA ee kooxaha u yaala waxayna hadda Blues la kulantay ciqaabtii kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid lagu xukumay oo kale.

FIFA ayaa ku dhawaaqday go’aanka ay Chelsea ku ganaaxay kadib markii lagu soo cadeeyay danbiyo ay ka galeen sharciyada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxayna Chelsea suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka maqnaan doonaan tan iyo xagaaga 2020.

Sida war ka soo baxay FIFA lagu cadeeyay Chelsea ayaa lagu helay in ay jabisay sharciga suuqa kala iibsiga ciyaartoyda gaar ahaan qodobka 19 aad oo ay in ay diwaan galiyeen 29 ciyaartoy oo da’yar ah waxaana sidoo kale Blues lagu helay in ay jabiyeen qodobka 18 aad oo ah in ay laba ciyaartoy oo da’yar dheeraad ah diwaan galiyeen kuwaas oo inta badan amaah lagu darayay.

Ugu horayn Chelsea ayaan wax ciyaartoy cusub ah diwaan gashan karin suuqa xagaaga ee dhamaadka xil ciyaareedkan waxayna sidoo kale suuqa kala iibsiga ka maqnaan doonaan bisha January 2020 taas oo la micno ah in maamulka Stamford Bridge ayna wax ciyaartoy cusub ah heli karin labada xili suuq ee soo socda.

Xukunkan oo kale ayay FIFA hore ugu soo riday kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid kuwaas oo muddo laba xili suuq ah aan wax ciyaartoy cusub ah diwaan gashan karin, waana markii ugu horaysay ee ay FIFA xukun sidan u culus ku riday koox Premier league maadamaa oo ay waliba la socdaan ganaaxyo lacageed oo badan.

Chelsea ayaa lagu soo rogay ganaax lacageed oo dhan 600,000 Swiss Francs (£460,314 kun gini). waxa kale oo xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga lagu helay in ay aqbaleen ciyaartoyda da’yarta ah ee Chelsea ay sharciga ku jabisay waxaana iyagana lagu ganaaxay 510,000 Swiss Francs (£391,260 kun gini).

Chelsea ayaa raaci karta qorshihii kooxda Barcelona ee ahaa in ay rafcaan ka qaadatay go’aankii ganaaxa FIFA iyada oo rafcaankeeda u gudbin karta maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska ee CAS taas oo keeni karta in muddada rafcaanku socdo ay fursad u heli karaan in suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan ay ciyaartoy la sii wareegi karaan.

Barcelona ayaa markii ay rafcaanka qaadatay waxay xagaagii 2014 kii heshay fursada ay suuqa kaga sii adeegatay dhamaan ciyaartoydii ay doonayeen oo ay ka mid ahaayeen Luis Suarez iyo Ivan Rakitic kuwaas oo ay waqtigii ganaaxa kaga soo gudbeen.

Chelsea ayaa hadda ku qasbanaan doonta in ay rekoodhka mushaarka kooxdeeda u jabiso Eden Hazard si ay Stamford Bridge ugu sii hayn karaan maadaama oo ay la kulmeen ganaax laba xili suuq ah.

Chelsea ayaa sidoo kale ku qasbanaan doonta in ay aqbasho waxyaabaha uu doonayo Callum Hudson-Odoi  kaas oo ay maamulka Blues isku dayi doonaan in uu Stamford Bridge heshiis cusub ku saxiixi si uu u helo fursada ganaaxa ka soo dhex baxday ee ayna Blues ciyaartoy cusub ku diwaan gashan karin.

Sababtii Keentay Baadhitaankii Chelsea ee Ganaaxa Sababta Ugu Noqday:

Sababta baadhitaanka Chelsea keentay waxay ahayd heshiiskii ay kula soo wareegtay  Bertrand Traore waxayna sanadkii 2011 kii hooyadii siiyeen  £155,000 kun oo gini si ay u diidaan kooxaha kale ee doonayay kadib waxaa haddnaa la siiyay £13,000 kun gini.

Arinta Bertrand Traore ee Chelsea ayaa socotay min sanadkii 2011 kii ilaa 2005 kii waxayna ugu danbayn Bertrand Traore ka iibiyeen kooxda Lyon iyaga oo ka siiyay 8.8 milyan gini kadib markii uu Chelsea u soo ciyaaray 16 kulan waxayna Blues Bertrand Traore iibisay June 2017 kii.

Si kastaba ha ahaatee, xukunka FIFA ayaa maanta lagu war galiyay maamulka sare ee Chelsea waxaana loo sheegay in ay rafcaan ka qaadan karaan xukunkan balse hadda iyada oo xalaada Blues meel xun maraysay waxaa u raacday in ganaax laga xili suuq ah lagu riday.