Saxeexa Cusub Ee Barcelona Frankie De Jong Oo Farta Ku Fiiqay Kulankii Sababay Inuu Jacayl U Qaado Barcelona

0

De Jong

Da’yarka ay dhawaan lasoo saxeexatay kooxda Barcelona ee Frankie De Jong haatana inta xilli ciyaareedka ka dhiman lasii joogi doona kooxdiisa Ajax ayaa shaaca ka qaaday kulankii uu jeclaaday kooxdiisa cusub ee Barca.

21 jirkan ayaa qirtay in jacaylkiisa Barca uu bilawday kulan uu usoo daawasho tagay Camp Nou sanado kahor oo ay la ciyaarayeen kooxda Real Betis isla markaana ay kasoo muuqdeen saddexleydii weerar ee Neymar, Messi iyo Luis Suarez.

De Jong ayaa ugu horreynba awooday inuu Camp Nou soo daawado isaga oo lix sano jir ah isla markaana fasaxku jira kahor intii uusan markale halkaas iman saddex sano kahor.

“Waxaan imid garoonka markii aan intan ka yaraa aniga oo ku jira fasax aan ku joogay Spain, Waxaan sameeyay safarka Camp Nou markii aan lix sano jir ahaa, Tani waxa ay ahayd xidhiidhkaygii ugu horreeyay ee aan Barcelona la sameeyay”

“Sidoo kale waxaan halkaas la joogay saaxiibtay saddex sano kahor, Wakiilkayga ayaa ii keenay tikidho aad u wanaagsan xaqiiqdiina waan ku raaxaystay kulanka”

“Waxa uu ahaa kulan ay wajahayeen Betis, Ayaan filayaa, Barcelona waxa ay ku guuleysatay 4-0 waxaana ay u ciyaareen si aad u wanaagsan, Neymar, Messi iyo dhammaan xiddiguhu way ciyaareen , Waxaan qaatay wakhti cajiib ah”

 

De Jong oo 75 Milyan ku jooga Blaugrana ayaa suuqa xagaaga si rasmi ah usoo gaadhi doona Camp Nou oo markan gurigiisa ah waxaana la filayaa inuu wax badan kusoo daro safka kooxda ee haatan.