Wasaaradda Ganacsiga Oo Ku Dhow In Ay san Shaqeyn Maxay Tahay Sababta?

0

2

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka ganacsiga soomaaliya oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa waxaa uu ka hadlay caqabadaha hortaagan wasaaradiisu, isagoona sheegay in wasaaradu ay horay usoo bandhigtay waxqabadyo qaarkoodna ay hadda dhiman yihiin, kuna socdaan nidaam ay ku doonayan inay ku hormariyaan hawlaha wasaarada.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay ayaa mar uu Ia hadlayay ganacsatada soomaalida waxa uu sheegay inay ku dhiban yihiin ganacsiyada caalamka iyo xawaaladaha ay lagacaha ganacsi isku mariyaan.
Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu sheegay in wasaaradiisu ay soo saartay shuruucda ay ka mid yihiin sharciga kala xadaynta ganacsiga iyo sharciga lahaanshaha maskaxeed ee qofka ganacsadaha ah, taas oo ka caawinaysa ganacsatada soomaaalida ah inaan laga minguurin figradahooda ganacsi dhawaanna ay golaha wasiirada horgayn doonaan si loo ansixiyo.