Tababaraha kooxda Chelsea oo dhawaanahan deris la noqday eedaynta iyo dhaleecaynta ayaa kaddib kulankii Europe League ee ay ka adkaadeen Malmo eedaymaha iskaga duwan dhinaca kooxda ay xifaaltamaan ee Arsenal.
Guushii 3-0 ka ahayd ee ay Blues xalay soo hooyeen ayaa ahayd mid cel-celis ahaan ay kooxda ree Sweden ku direen 5-1 balse hadana waxaan wali meesha ka bixin culayska saaran xilli ay Axada soo socota kala qaadi doonaan EFL Cup-ka kooxda Manchester City.
Sarri ayaa sheegay inuu maqlayso shaqsiyaad amaanaya Arsenal kuwaa oo horyaalka ay dhibco wadaaagaan, Europe League-na ay 16-ka wada gaadheen isla markaana ay iyagu dheer yihiin inay joogaan Final EFL Cup.
Tababare Sarri oo u muuqda mid culayska dhinaca Gunners iskaga riixaya ayaa yidhi “Waxaan maqlaa dadka oo amaanaya xilli ciyaareedka Arsenal kuwaas oo aan joogin Final-ka EFL Cup, Dhibco nala mid ah ayay leeyihiin horyaalka waxana ay gaadheen wareega 16-ka ee Europe League sidayada oo kale”
“Ma fahmo sababta ay dadku ugu shaqeeyaan sidiiyoo xilli ciyaareedkayagu uu aad u xun yahay oo xilli ciyaareedka Arsenal uu yahay mid cajiib ah”
Dhinaca kale tababare Sarri ayaa difaacay xilli ciyaareedka kooxdiisa isaga oo sheegay in kooxda loo dhiibay ay xilli ciyaareedkii hore ku dhammaysatay kaalinta shanaad isla markaana uu isagu yahay mid horyaalka ku cusub.
“Waa run waxa jiray waxyaabi badan oo fiican iyo kuwo xun oo ay ku jiraa hoos u dhacyo qoto dheeri laakiin marka la tix geliyo inay tahay xilli ciyaareedkaygii ugu horreeyay ee horyaal iyo deegaan cusub, Waxaan filayaa in la aqbali karo”
“Waxaan qabsaday koox ku dhammaysatay shanaad ee maaha mid ku guuleysatay Champions”