Arin dhif iyo naadir ku ah dunida oo qabsatay wiil 27 sano jir ah

0

Sanket Sawant Drowned

Wiil dhalinyaro ah oo 27 jir ah ayaa si khaldan ah waxaa loo soo gaarsiiyay gurigiisa dahab aanuu lahayn oo qof dariskiisa ah oo waday oo qiimihiisu uu gaarayo 20-kun oo euro, laakiin si wanaagsan ayuu u dhaqmay markii uu arkay in alaabta qof kale uu iska leeyahay.

Ammaanaadiisa ayaa ku riixday wiilkan dhalinyarada ah ee Joliyat  isla markaana ka soo jeeda magaalada Fan ee Waqooyi gobolka Biritani ee dalka Faransiiska, alaabtii gurigiisa sida khaladka ah loo soo gaarsiiyay ayuu ku dadaalay inuu gaarsiisyo qofkii iska lahaa.

Ammaanadii uu ilaaliyay meel cidlo ah kuma aaney bixin, waxa uu abaalmarin u helay dahab isaga la siiyay.

Sheekadan ayaa ku bilaabay kadib markii Juliyat la soo gaarsiiyay alaab aanuu fileyn Sabtidii February 2, 2019, waxa uu u haystay iney tahay dharka lagu dabbaasho oo uu xaaskiisa uu u dalbay oo la soo gaarsiiyay, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda oo dhacdadan wax ka qortay.

Markii uu baakaddii furay, waxa uu ku arkay iney tahay lacag dahab ah oo miisaankeedu u dhaxeeyo 20 illaa 50 gram, iyadoo qiimaha guud ee ay ku fadhiysay alaabtu ay gaareysay 20 kun oo Euro.

Juliyan waxa uu sheegay inaanuu wax damac ah ka gelin alaabta, inkasta oo ay jirtay in alaabtu ay ahayd mid aad qaali u ah.

Waxa uu sheegay inuu isku dayay inuu alaabta ku ciliyo cinwaankii saxda ahaan ee loo waday oo ahaa guri ay deris yihiin, laakiin gurigii markii uu gargaraacay cid ka furtaba uu waayay.

Markii arrintaasi ay u suurtageli weyday ayuu go’aansaday inuu aado xarunta booliska magaalada Fan, halkaas ayaa taliyihii saldhiggu uu ku ammaanay Juliyat ammaanadiisa, waxaanuu sawir ka qaaday isaga iyo alaabtii uu soo celinayay, wax yar kadib ayaa la raadraacay qofkii alaabta iska lahaa, waxaana gacanta laga geliyay alaabtii  uu dirsaday ee uu lahaa.

Iskaashada dahabka ee Faransiiska ayaa wiilkan dhalinyarada ah ku abaalmariyay ammaanadiisa waxeyna siiyeen dahab uu ku farxay, si loo dhiirrigeliyo.