Ciidanka asluubta oo udabaal dagaya 49 sano guuradii kaso waregatay aas-aaskoda

0

Fb Img 15509044442255225

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho.

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay kana dhaceysa xarunta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.