Maanta oo kale magacabistii qeyre iyo fashilkii ugu xuma abid ra’isal wasaare dalka soomara

0

Fb Img 15509068053365488

Maanta oo kale 23 February 2017 Xasan Cali Kheyre ayaa loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, 15 maalmood kaddib markii Madaxweyne Farmaajo loo doortay xilka Madaxweynaha.

Magacaabida Ra’iisul Wasaare Kheyre waxay aheyd lama filaan, waxaa uu ka soo baxay meel aan la fileyn, inkastoo uu ka mid ahaa saaxibada aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, kana mid ahaa raggii wax ka waday Ololihiisii doorashada, hadana waxay si hoose iskula socdeen raggii ugu tunka weynaa Ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxaa la sheegaa in saaxib dhow ay ahaayeen Fahad Yaasiin oo ay balan wada galeen, ka hor doorashada Farmaajo, waxaa aad loogu tuhmaa xataa inuu ka qeyb qaatay maalgelinta ololaha doorashada, maadaama uu ahaa Ganacsade, kana mid ahaa Madaxdii Shirkadda SOM OIL

Labo sano ayaa maanta u buuxsantay xilka Ra’iisul Wasaarenimo, waxaa uu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii saddexaad labada sano ugu horeysay ee uu Xafiiska joogo.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ahaa Ra’iisul Wasaaraha ugu waqtiga dheeraa Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray Soomaaliya xilligii Kumeel gaarka, laga soo bilaabo dowladdii lagu soo dhisay Kenya sanadkii 2004, Cali Maxamed Geeddi muddo saddex sano ayuu xilka hayay laga soo bilaabo 2004-2007-dii

Cumar C/rashiid oo labo jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa markii labaad oo xilka Ra’iisul Wasaare loo magacaabay waxaa uu xafiiska joogay labo sano iyo labo bilood (December 2014 illaa February 2017)
Abdiaziz Golfyare