Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Marwo Khadra Ducaale ayaa sheegtay in Ra’isal wasaare Kheyre uu shacabka u arko doqomo, dalkana uu cabsi geliyay.
“Waxaa iga nixiyay inaan arko isagoo weli shacabka Soomaaliyeed u arko nacas, wuxuu cabsi galiyay dalka intiisa kale, waa nin aan dadka tixgelin, isla weyn, qabiilkuna ku weyn yahay, inta an ka bartay igu filan, Allow naga badbaadi xukunka aan caqli galka ahayn ee Xasan Cali Kheyre”.
Marwo Khadra Ducaale ayaa ka mid ahayd wasiiradii ugu horeeyay ee uu magacaabay Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre bishii Maarso 2017.