Ganacsatada Gaadiidkaas leh ayaa waxa ay sheegeen in sababta ugu weyn ee Gawaaridooda uga oo bixi weysay dekada Muqdisho ay aheyd in loo waayay Taargooyin,isla markaana shirkadii Taargooyinka bixin jirtay ay soo wajahday dhaqaale la’aan.
Mid ka mid ah Ganacsatadaas Gaadiidkaasi leh oo lagu Magacaabo Cabdi Waaxid Cabdi Shakuur Cali ayaa sheegay in Shirkadda bixisa Taargada Gaadiidka laga soo dejiya Dekadda ay awood u waayeen inay kumaan taargo soosaaraan,isla markaana dhaqaalaha ay inta badan ku maqan tahay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in caqabadahaas ay Gaadiidkooda muqdisho kusoo gelin waayeen ay kala hadleen,Wasaaradda Maaliyadda,Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkadda dekadda maamusha ee Albeyrak balse aan waxba laga qaban.
Cabdi Waaxid Cabdi Shakuur Cali ayaa sidoo kale sheegay in maalma ka hor dekadda Wey nee Muqdisho uu tegay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,isla markaana uu amar ku bixiyay in gaadiidkaas la fasaxo,sidaasina inta badan la fasaxay Gaadiidkoodii ka xayirnaa