Shirweynihii Koowaad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carbeed iyo kuwa Midowga Europe ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.
Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood waxaa La-guddoomiye ka nodonaya Guddoomiyaha Ururka Midowga Europe, Donald Task iyo Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-siisii, waxayna Hoggaamiyayaasha kaga wada xaajoon doonaan Ajendayaal ay ugu muhiimssan yihiin Iskaashiga Carabta iyo EU-da, Ammaanka, Tahriibka, Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Xalladaha dalalka Syria, Libya, Falastiin iyo Yemen iyo qoddobo kale,
Madax sare o oay ka mid yihiin Madaxweyne Farmaajo, Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo Carbeed ayaa iyagana ka qeyb galaya shirkaasi oo muhiimad u leh Danaha Guud ee dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Europe.