Sanotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,waxaana uu sheegay in dhawaan ay kulmeen,isagoona xusay in xiligaas Marxuumka uu ka walaacsanaa Amnigiisa.
Sidoo kale Sanotar Xuseen Kheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaanka Boqore uu u sheegay in Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen Ciidamadii ilaalada u ahaa,isla markaana uu walaaac ka qabo amnigiisa.