Shabaab oo hanjabaad u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

0

Shabaab Alshabaab Dil Dil Toogasho Khaarijin

Al Shabaab ayaa farriin hanjabaad ah u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya, kadib dilkii shalay ay u gaysteen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Somaliya, kaasi oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da wayn Golaha Shacabka.

Sarkaal ka tirsan Shabaab oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka Shabaab, ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee Shabaab ay ku dilaan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen maamulka talada dalka.

Sarkaalka Shabaabka ka tirsan, ayaa ku goodiyay in meel waliba oo ay galaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku beegsan doonaan Ciidamada Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Amniyaadka Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fuliya Degmooyinka Gobolka Banaadir, kadibna si nabadgelyo leh uga baxsada goobaha dilalka ay ka gaystaan