Britain Oo Ku Baaqday In La Soo Gebagebeeyo Dagaalka Yemen, Xilli Ay UK Weli…

0

Stream 2.41402015

Ra’isul-wasaarada dalka Britain, Tereesa Meey waxay hadalkaasi ka sheegtay Shir Madaxeedka Dowladaha Carabta iyo kuwa EU-da ee lagu soo gabagabeeyay magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.

Waxay ugu baaqday Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/Casiis oo ku sugnaa Madasha Kulankaasi inuu xoogiisa isugu geeyo sidii uu ugu dhiiri-gelin lahaa Kooxaha ku dagalaamaya gudaha dalka Yemen inay wada gaaraan Heshiis Nabadeed, kana shaqeeyaan Dib-u-dhiska Dowladnimo ee dalkaasi.

Tereesa Meey waxay u sheegtay Dowladaha Caalamka inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan Deganaanshaha Siyaasadeed ee Xiisadda Colaadeed ee dalka Yemen.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarada dalka Britain waxay ballan qaaday inay  200 million oo Giniga Ingiiiska oo u dhiganta 261 million oo Dollar kaalmo ahaan u siinayaan dalka Yemen, waxayna hoosta ka xariiqday in Deeqdan cusub loo adeegsan doono Hawlaha Samafalka ee deeqaha lagu gaarsiinayo Malaayiin qof oo Yemeniyiin ah, kuwaasi oo ku nool xaallad cunto-yari ama aan haysanin biyo nadiif oo ay cabaan.