Guddoomiye Batuulo”Xildhibaano & Wasiiro ayaa faragelin ku haayo….

0

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo Maanta shir jaraa’id ku qabatay Magalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadashay dib u dhac ku yimid dooorashada hoggaanka Ururka iyo faragelin ay sheegtay in lagu haayo.

Guddoomiye Batuulo ayaa sheegtay in doorashada la filayay inay dhacdo 1-da Bisha soo socota ee Maarso,hayeeshee ay dib ugu dhacday sababo la xiriira in gobolada qaar ay ka bilawdeen doorashada heer deegaameed iyo wadatashiyo la sameeyay inaysan qabsoomin karin doorasahada..

Waxa ay sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay la soo wadaagi doonaan xilliga rasmiga ah ee la qaban doono shirweynaha Ururka Haweenka ee lagu dooranayo hoggaanka Ururkaas.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in mararka qaar ay arkaan Xildhibaano iyo Wasiiro aaminsan inay doorashada maamulaan,isla markaana ku mashquulsan oo fargelin ku sameynaya howlaha Ururka.

Waxa ay sheegtay in cid alaala cidii daneyneysa horumarka iyo inay xaquuq helaan Haweenka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan.

Hadalka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa kusoo aadaya xilli weli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Ururka Haweenka taas oo sababtay in Haweenka qaarkood ay doortaan Guddoomiye Cusub.