Khasaaraha ka dhashay duqeyntii ka dhacday G/Hiiraan oo la shaaciyey

0

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya qeybta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolkaas.

Taliska ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo bur bur gawaari ay lahaayeen,kadib duqeyn lala beegsaday Saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolkaasi hiiraan.

Taliyaha Guutada 5aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanada Oratan, Masaara-jibista dhirimaadle,afar-irdood iyo deegaano kale,isla markaana  Al-Shabaab looga gubay Saddex gaari,sidoo kale lagu dilay 40 ka tirsan Ururka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Hub farabadan oo ay Al-Shabaab lahaayeen lagu burburiyey,sidoo kalena ciidamada xoogga dalka ay wadaan howlgallo ay Shabaab uga saarayaan deegaanada Gobolka Hiiraan.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aadan in 40 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa weli aysan dhankooda ka hadlin Al-Shabaab.