Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada maanta ku qaabilay Wafdi ka socday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh.
Madaxweynahah ayaa wafdiga waxaa uu kala hadlay sidii la isugu xiri lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markaana ay u noqon lahaayeen kuwo siman oo wax tar leh
Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.