Madaxweynaha KGS oo ka hadlay weerarkii dadka lagu laayey

0

3

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa marka hore tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadka haweenka u badnaa ee Maanta lagu laayey deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uusan sidaasi uga hari doonin dilka dadka rayidka ah,isla markaana baaritaano lagu sameyn doono.

Rag hubeysan ayaa saakay barqadii waxaa deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen 9 ruux oo isugu jira rag iyo dumar,kuwaas oo aan weli la garan cida ka dambeysa dilkooda balse Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ay sheegeen inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.