Raysalwasaare Kheyre oo Go’doomiyey Xubno Madaxweynaha ka ag dhow si uu Xisbigiisa ugu dhawaaqo!

0

Raysalwasaare Kheyre oo Gondoomiyey Xubno Madaxweynaha ka ag dhow si uu Xisbigiisa ugu dhawaaqo!

Qorshaha Xaqiijinta kahor sameynta Xisbiga Dawladda ee Nabad Iyo Nolol in dhamaan Xubnaha Dawladda, Xubnaha Baarlamaanka daacad u noqdaan RW Hassan Ali Kheyre, Ku dhowaanta iyo Daacad u noqoshadda Madaxweyne Farmaajo u noqoto mid xilka lagu waayo ama lagala kulmo Go’doomin iyo cunaqabateyn talaabooyinka Raisul Wasaare Kheyre iyo Fahad Yasin sameeyeen.

1. Xubnaha lagu bixiyey Kalsooni ay ku qabeen Madaxweyne Farmaajo.

2. Xubnaha ku dhowaanta Madaxweyne Farmaajo dardeed wajahaya Go’doomin, Bahdilaad, Khilaaf loo abuuray iyo Magacdil.

3. Xubnaha ku qancay u dhowaanta Farmaajo cawaaqibka ka imaanaya iskuna dhiibay Raisul Wasaare Kheyre.

Talaabooyinkaan baa ah qorshaha lagu xaqiijinayo Musharaxa Xisbiga Nabad iyo Nolol ee Doorashada Madaxweynaha Somalia inuu noqdo Raisul Wasaare Hassan Ali Kheyre.. Qorshaha baa ah xiliga dhismaha Xisbiga Musharaxa Xisbiga lagu dhawaaqayo inuu ahaado Madaxweyne Farmaajo balse xiliga Doorashadda la gaaro Xubnaha Xisbiga Aqlabiyad ku meel mariyaan Musharaxnimadda Hassan Ali Kheyre.

Raisul Wasaare Kheyre iyo Fahad ayaa dib ugu dhigay qorshaha yagleelidda Xisbiga Dawladda Nabad iyo Nolol ilaa dhamaadka Sanadka 2019, xiligaa inta laga gaarayo oo ay doonayaan in Xubno ku xiran ku guuleystaan Jubaland iyo Galmudug, Fahad & Kheyre baa kula heshiiyey Dawladda Kenya in ay ka shaqeeyaan dib u doorashadda Ahmed Madoobe,  halka Galmudug qorshohoodu yahay in ay kala fogeeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xaaf/Ahlushuna kadibna ka soo saaraan Galmudug in Madaxweyne ka noqdo Mr Qoorqoor.