Wararka laga helayo degmada Boondheere ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu weeraray goob Internet ah oo ay dhalinyaro ku sugnaayeen.
Sida ay sheegayaan wararka labo ruux ayaa ku geeriyootay bam gacmeedka, halka labo kale ku dhaawacantay.
Wararka ayaa sheegaya in goobta qaraxa bam lagu weeraray ay ka aheyd goob aad u camiran oo dhalinyarada ku caweeyaan.
Goobta la qarxiyay waxey ku taalaa inta u dhexeysa Isgoyska Maanabooliyo iyo Masjidka Caanka ah ee Xaaji Yabaroow, waxaana ka agdhaw goobta Kontorool ay leeyihiin Ciidamaada ammaanka.
Ammaanka Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ah mid sii xumaanaya dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ay ka dhacayeen dilal, waxaana dhowaan Saldhigyada Booliska la geeyay Ciidamo Boolis dheeraad ah oo suga amniga.