Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay doorashadii uu ku guuleystay Muhammadu Buhari

0

Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo waxa uu u diray Madaxweynaha markale ku guuleystay doorashada dalka  Nigeria ee Muhammadu Buhari.

Madaxweynaha Nigeria ayaa ku guuleystay markale doorashadii ka dhacday dalkaas,iyada oo uu si weyn ula tartamayay hoggaamiyaha mucaaradka ahna ku xigeenkiisii Atiku Abubakar,wallow natiijada doorashada uu qaadacay.

Muhammadu Buhari ayaa sanadkii 2015 ku guuleystay xilka Madaxweynaha Nigeria,waxaana markale uu ku guuleystay Madaxtinimada dalkaas,waxaana uu xilkaasi heyn doonaa mudo 4 Sano ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dalka Nigeria uu yahay isbaheysi iyo  xiriir wanaagsan oo taariikhi ah la leh dalka Soomaaliya,isla markaana ay xoojinayaan,kaidb qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka.