Xalay fiidkii ayaa waxaa Magalada Muqdisho ka dhacay labada qarax oo mid ka mid ah lagu weeraray dhismo u dhow hotelka Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho,waxaana qaraxyadaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa ayaa lagu dhuftay darbiga Maqaaxi ku dhegan Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Hilaac Uk,waxaana sidoo kale jirtay in rag hubeysan oo la sheegay inay Al-Shabaab ahaayeen ay galeen dhismaha,isla mnarkaana weli rasaas laga maqlayo.
In ka badan 15 Ruux ayaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen halka afartameeyo kale ay ku dhaawacmeen,sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa xilliga uu qaraxa dhacayay iyo mas’uuliyiinta Gawaarida gurmadka deg dega ah.
Wararkii u dambeeyey ee saakay aan heleyno ayaa waxa nay sheegayaan in mararka qaar dhismaha xalay la weeraray laga maqlayo qaraxyo iyo rasaas,,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in raggii weerarka fuliyey ay weli dhismaha ku jiraan kana dagaalamayaan.
Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna sidoo kale Al-Shabab sheegteen in ay gudaha u galeen huteelka Maka Al-Mukarama. Sarkaal dhinaca amniga ahna waxa uu sheegay in Al-Shabab ay ku jiraan dhisme ku dhagan huteelka Maka Al-Mukarama.