Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa ku howlan soo afjarida ratg hubeysan oo la sheegay inay ku jiraan Gudaha dhismo ku yaalla agagaarka hotelka Maka-Almukarama ee Magaalda Muqdisho.
Weerar qarax ku bilaawday ayaa xalay rag ka tirsan Al-Shabaab waxa ay ku soo qaadeen dhismayaal ku dhow Hotelada Hilaac Uk iyo Mukarama,hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen inay dagaalamayaal ka tirsan ka dhex dagaalamayaan Gudaha Hotelka Maka-Almukarama.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa dad rayid ah kasoo badbaadiyey Dhismaha Shideeye ama Dabaqa Carabta oo u dhaw Hilaac UK, halkaas oo sidoo kale ay ku yaallaan Goobo Ganacsi.