Madaxweynaha Suudaan oo ka hadlay Qaraxyaddii ka dhacay Muqdisho

0

11111

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarka Al-Shabaab ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Shabaab, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda,

Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu soo gareen.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago dareenkiisa walaaltinimo ee ku aadan waxyeelada Shacabka.