Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay dhismaha Maqaayadda Hilaac Uk ee Muqdisho, kasoo saaray Meydka ah Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu kusoo dumay qol uu ku sugnaa.
Howlgal Ballaaran ayaa wali ka soconaya dhismayeyaasha ku burburay weerarkii iyo Qaraxyadii Al-Shabaab, waxaana suurtagal ah in ay jiraan dad Wali Meydadkooda ay ku hoos jiraan dhismayeyaasha.
Gaadiidka loo yaqaano Cagaf cagafta ayaa ku howlan faagida dhismayeyaasha burburay, waxaana sidoo kale Warar qaar ay sheegayaan in ay wali jiraan dad la’yahay oo la baadigoobaayo.
Ciidanka dowladda ayaa shalay galinkii dambe soo Afjaray weerarka oo qaatay muddo dhowr Saacadood ah, xilligaas waxaa jiray Meydad laga soo saaray dhismaha Shideeye oo inta badan weerarku ka dhacay.