Ayadoo Xamar dhiigii Qoyan yahay ayuu Kheyre Damaashaad aadey.

0

Iyada oo Muqdisho uu yaallo hoog aad loola caloolyoobo, caasimaddii dadka Soomaaliyeed oo holcaysa oo saacado ka hor uun ay naga nafwaayeen  tobannaan dumar carruur cirroole iyo da’ dhexaadba isugu jira.

Iyada oo ay isbitaalada yaalliin boqollaal la il-daran dhaawacyadii ka soo gaadhay duullaanka arxan-laawayaasha Al-shabaab.

Iyada oo la la’yahay tobannaan qof oo ku hoos jira burburka daaraha uu qaraxu dumiyay oo ay eheladii gacmaha ku qodayaan, bal in ay nolol iyo geeri mid uun ku helaan dadka ka maqan, dawladduna aysan ku taageerin qalabkii loo baahnaa.

Iyada oo shacabka Soomaaliyeed uu dalbanayo in isbeddel weyn lagu sammeeyo madaxda iyo qorshaha amniga, lana billaabo dardar cusub oo lagu maquuninayo argagixisada.

Ayuu saakay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre u dhoofay dalka Switzerland si uu uga qayb galo shir uu qabanayo urur aan dawli ahayn oo la yiraahdo Silatech oo ay leedahay Boqorka Qadar Hooyadii oo lagu magacaabo Sheekha Muusa Bintu Nasar (Sheikha Moza.)

Ma ahan shirkani mid mid maamuus ahaan ku habboon RW Kheyre, Maxaa yeelay ma jirto madax isaga la eyni ah oo shirkan ka soo qayb gelaysa.

Ma jirto wax dan ah oo dalka Soomaaliya ugu jirta shirkaas marka aad eegto ajandihiisa iyo nuxurka uu daarran yahay.

Tani waxaa la yiraa “Mas’uuliyad ka dhuumasho” ay inta badan sammeeyaan dadka u caalwaayay  waajibkii loo igmaday, rabana in ay waqtiga ku buuxiyaan madadaalo meermeeris. Waxaa kale oo suuroggal ah in uu Raysal Wasaaruhu meeshaa Awood Siyasadeed oo dadban u doontay, isagoo aaminsan in ay Amiiraddu dhiniciisa u soo leexin karto kalsoonida barakaysan ee wiilkeeda boqorka ah.

Shacabka Soomaaliya   waa in uu arrinta amniga kula xisaabtammo Xakuumadda jirta inta ay goori, goor tahay.